32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Gaas oo 3 beel kala siiyey kuraasta Puntland loogu daray iyo beel aan laga fileyn oo uu kursi siiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, oo magaalada Muqdisho uga qeybgalay Shirka Madasha Qaran, ayaa waxa uu ka hadlay xal u helidda Kuraastii muranku ku jirey ee Gobolada Woqooyi, kuwaas oo ay Puntland qayb ku lahayd.

C/wali Gaas, ayaa sheegay inay aad ugu qanacsan yihiin qaabka ay Madashu xalka u keentay, waxa uuna tilmaamay in Kuraasta Puntland loogu biiriyay ay lahaan doonaan Beelaha cabashada muujinaaya.

C/wali Gaas, waxa uu sheegay in Kuraasta dheeriga ah ay wadatashi ka sameeyen, waxa uuna farta ku goday in lagu heshiiyay Beelaha la kala siin doono.

Waxa uu sheegay in saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland uu u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli.

Kursiga sadexaad ayaa waxa uu Madaxweynuhu u qoon deeyey beesha Shanaad ee deggan Puntland, waxa uuna Gaas cadeeyay in qaabkaasi ay Puntland ugu heshiisay in Kuraasta loo qeybsado.

Kursiga beesha Shanaad ay siisay Puntland ayaa la yaab ku noqotay dad badan, balse ma cadda haddii tani ay qeyb ka ahayd heshiiska Madasha, maadaama beesha Shanaad aysan waxba ku lahayn Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News