28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Galmudug oo heshay dekad ay kaga maaranto dekadaha Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hobyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u howl geliyay dekada degmada HOBYO, waxaana ka muuqanaya mashquul aad u badan.

Dekadaasi ayaa u sahli doonta maamulka Galmudug iney kala soo dagaan adeegyada ay u baahan yihiin, sidoo kale ganacsada Galmudug ayay ka saacidi doonaan inay kala soo dagaan raashiinka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Ganacsatada Galmudug ayaa raashiinka noocyadiisa kala duwan waxay kaga soo dagi jireen dekada magaalada Boosaaso ama Muqdisho, halkaasi oo gaadiid lagu geyn jiray.

Hadda waxaa socdo qorshe lagu dhisayo waddo laami ah oo isku xireysa magaalooyinka Muqdisho iyo Hobyo, taasi oo kaalin kale ka ciyaari doonto kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News