Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada uu wakhtigeedu dhamaaday ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka, ee laga soo doortay Jubbaland.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa hadal oo idil ku bilaabay kuna soo idleeyay in la doorto, waxa uuna Xildhibaanada u sheegay inuu la socdo in looga danbeeyay isla markaana laga tashkiiliyay.
Sharmaarke waxa uu Xildhibaanada u sheegay inay jiraan Musharaxiin dhowr ah oo kadaba shaqeynaaya, si ay kalsooni uga helaan kuwa uu isaga taageerada ka sameystay.
Xildhibaanada ayuu u sheegay in looga baahan yahay in qalbigooda ay ku hayaan inay dooran doonaan, isla markaana ka hor imaadan in Musharax kale ay heshiis la galaan.
”Haddii aan guuleysto waxa ay ka dhigan tahay reer Jubbaland oo guuleystay, Haddii leyga guuleysto micnuhu waxa ay tahay Jubbaland oo laga guuleystay”
”Waxaan ku celinayaa inay jiraan Musharaxiin dooneysa inay kala furfuraan Xildhibaanada aan anigu diyaarsaday ee naga ilaaliya kuwa guusheena kasoo horjeeda”
Sharmaarke ayaa ka codsaday Xildhibaanada Labada Aqal in codkooda ay siiyaan, si dalka wax badan ugu qabto.
Wuxuuna ballanqaaday haddii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxtinimada dalka in uu wax badan qaban doono, isla-markaana uu khibradiisa kaga faa’iideynayo dalka.
Ra’isul Wasaare Sharmaarke, ayaa ah masuulka labaad ee ugu sareeya dalka, isla-markaana u sharaxan jegada madaxtinimada dalka.


