28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Madaafiic la isku weydaarsaday Gaalkacyo iyo Putland iyo Galmudug oo dagaal…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisad dagaal iyo cabsi ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana laga baqayaa in markale magaalada lagu dagaalamo.

Xiisada ayaa ka dambeysay markii ciidamada labada dhinac oo kala shakiyay ay madaafiic xalay isku weydaarsadeen magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo kala cabsaday ayaa xalay isku dagaalay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waana tan keentay iney soo laabato cabsida ka taagan magaalada.

Labada maamul ayaa midba midka kale sheegayaa inuusan u diyaarsaneyn dagaal uuna dooneyn in hishiiskii la jibiyo, balse xiisada wali wey taagan tahay.

Dadka deegaanka waxaa soo wajahay cabsi ay ka qabaan iney markale qax iyo dagaal la kulmaan.

Waxaa wali kala xeran xaafadaha qaar ee magaalada Gaalkacyo, balse gudiga nabad galyada ayaa wadda dadaalo xiisada lagu joojinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News