Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa awood ku joojiyay banaanbax maanta la filayay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa oo aad oo hadal hayay ayaa waxaa hakiyay Yuusuf Xuseen Jimcaale gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Banaanbaxa ayaa la qorsheeyay inuu ka dhaco daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana ujeedadiisa aheyd sidii loosoo dhicin lahaa xaqa gobolka Banaadir.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada banaanbaxa loo joojiyay ay tahay arimo siyaasadeed iyo in maamulka gobolka Banaadir uu joojiyaa iftiiminka xaqa ka maqan gobolka Banaadir.
Boorsaani, oo saaxiib dhow la ah Xasan Sheikh ayaa laga dalbaday inuu joojiyo banaanbaxa maadaama dhinaca kale ay fadeexo ku noqoneyso Xasan Sheikh in Xaqa gobolka Banaadir oo maqan inuu maamulada qaar ugu daro xildhibaano dheeri ah.
Xalay ayaa gudoomiyaha gobolka wuxuu gudoomiyaasha degmooyinka ku wargeliyay joojiyay banaanbaxa, sababo siyaasadeed, waxaase Boorsaani lagu dhaliila inuu ku mashquulay arimo siyaasadeed halkii uu kasoo dhicin lahaa xaqa gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

