Gaalkacyo (Caasimada Online)-Iyadoo magaalada Gaalkacyo ay noqotay goob ku caanbaxday Colaada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaanada Ilahaan Cumar oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto gobolka minisotta ee dalka Mareykanka.
Xildhibaanad Ilahaan Cumar, oo socdaal nabadeed ku gaartay magalada Galkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegtay in yaraanteeda ilaa iyo iminka dhagaheeda kusoo dhacayeen Colaadaha ka taagan Somalia, waxa ayna su’aal iska weydiisay asbaabaha keenay in Bulsho walaalo ah ay isku adeegsadaan hubka dadkii sameeyay ay iska soo fogeeyen.
Xildhibaan Ilahaan Cumar, oo ka hadleysay Dagaalada aan dhamaan ee ka socda dalka, ayaa soo hadalqaaday Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxa ayna ku baaqday in la midoobo oo laga gudbo Colaada dhowrkii sano aafeysay Somalia.
Ilhaan waxa ay sheegtay in sababta ay u timid magaalada Galkacyo ay tahay xal ka gaarida xiisadaha ka taagan magalada Galkacyo ee gobolka Mudug.
Ilhaan Cumar, waxa ay sidoo kale sheegtay inay ku hanweyn tahay in mudada ay joogto Gaalkacyo ay wakhti badan ku bixiso xalinta Colaada waxa ayna ku celcelisay in adduun weynaha uu isku fiirsanaayo colaada ka dhextaagan Umadda Soomaaliyeed.
Docda kale, waxa ay ballanqaaday inay u kala dabqaadi doonto labada dhinac ay Colaadu ka dhex aloosan tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

