Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa soo shaac baxaya sawirro yaab leh oo muujinaya sida dadka qaar aysan daacad uga ahayn dhaarta.
Waxaa kaamirooyinka ay qabteen xildhibaano aan gacanta saarin kitaabka balse aqrinayey oo kaliya dhaarta, halka kuwa qaarna ay si aan niyad ku jirin kitaabka u gacan saareen.
Waxaa la arkayey xildhibaano uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid, oo aan si buuxda aan kitabaka gacanta u saarin balse taa beddelkeed saaray kaliya afar ama saddex ama xitaa laba far oo kaliya.
Sawirradan layaabka leh ee laga soo qaaday xarunta gaadiidka booliiska ee lagu dhaariyey xildhibaanada ayaa Soomaali badan aad uga yaabiyey ee hoos ka daawo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]





