Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa xafladdii dhaaritaanka maanta ee mudanayaasha labada aqal ugu dhawaaqay inuu yahay murashaxii ugu horeeyay ee ee kasoo jeeda Digil iyo Mirifle oo si rasmi ah ugu dhawaaqo murashaxnimadiisa.
Wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu ku guuleysto hoggaanka hay’adda sharci dejinta isla markaana wuxuu balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono haddii uu loo doorto xilkaan culus.
Idiris ayaa sheegay in dalku u baahan yahay isbadal isla markaana ay haboon tahay in jaanis la siiyo dhalinyarada oo xiligaan ah waqtigii dhalinyarada maadaama baarlamaanka cusub ay ku badan yihiin dhalinyaro.
Murashax Idiris Cabdi Dhaqtar, wuxuu ka mid yahay xildhibaanada aqalka hoose ee laga soo doortay Koonfur Galbeed, wuxuu horay ugu soo shaqeeyay hay’adda beeraha ee Qaramada Midoobay, marka lasoo gaabiyo loo yaqaan FAO.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in murashaxiin kale ay ku dhawaaqaan hamiga ugu jira xilka guddoonka baarlamaanka.
Waxaa horay ugu dhawaaqay inuu xilkaan u tartami doono C/rashiid Xiddig oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Daarood, murashaxnimadiisana ay ka hor imaaneyso nidaamka awood qeybsiga xiligaan Soomaalida wax ku qeybsado. Inkastoo culeys ka yimid dowladda Itoobiya la sheegay inuu ka tanaasulay murashaxnimadiisa.
Marka la tixraaco awood qeybsiga nidaamka mudooyinkaan danbe Soomaalida wax ku qeybsaneysay ee 4.5 waxaa Guddoonka baarlamaanka kusoo baxa mas’uul kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, Guddoomiyihii ugu danbeeyay ee baarlamaanka ayaa ahaa Maxamed Cusmaan Jawaari.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

