Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge Xirsi ayaa soo saaray war-murtiyeed uu uga jawaabayo war-murtiyeedkii kasoo baxay xubnaha madasha wadatashiga qaran ee dhowaan ku shira Muqdisho.
Ciilmooge ayaa cambaareeyey “ku xadgudubka MHQ – ay ku xadgudubtay iskana indhotirtay nidaamka kala dambaynta dawladnimo ee ku qeexan Dastuurkeena Qaranka; Qodobkiisa 73aad si cad u qeexaya “ Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka tiradoodu ma dhaafi karto 54 mudane; oo saldhig looga dhigay 18 (sideed iyo tobankii gobol) ee jiray 1991 oo midkiiba kusoo aadayso 3 Mudane oo aqalka sare ah”.
“Waxaan layaabay sida diiwaangalinta xubnaha musharaxiinta madaxwayne ay MHQ/NLF go’aan aan sharciyad lahayn ooga gaadhay oo ugu jaangooysay inay bixiyaan $30,000 (Sodon Kun oo USD), ama 20xildhibaan oon cidkale dooran kala imaadaan saxiix inay ku dooranayaan. Horay looma arag Musharax; Musharax kale shuruudihii uu tartanka ooga qaybgali lahaa u sameeya Musharaxiinta Madashada Qaran (MHQ) kahor oo waa arin ugub ah” ayuu yiri Cabdullahi Ciilmooge Xirsi.
War-murtiyeedka oo dhameystiran hoos ka aqriso.
[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/12/Cabdullahi-Ciilmooge-murashax-madaxwayne-warmurtiyeed.pdf” width=”700″ height=”1300″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

