Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabada dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.
Hase yeeshee, munaasabada ayaa waxaan ka qeybgalin Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating.
Munaasabada ayaa waxaa ku sugnaa Ra’isal wasaaraha xukuumada uu wakhtigeedu dhammaaday Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke iyo Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Max’ed Cismaan Jawaari oo labadaba ka mid ahaa xildhibaannadii maanta la dhariyay.
Sababta uu Michael Keating uga baaqday Munaasabada ayaa lagu sheegay dhaliil uu ka qabo qaabka ay Dowlada Somalia u wado howlaha la xiriira Doorashooyinka.
Michael Keating, ayaa waxaa loo geeyay Warqada casuumadda kasoo qeybgalka Munaasabada, balse waxaa la sheegay inuu diiday ka qeyb galka.
Michael Keating oo laga sugaayay munaasabada ayaa waxaa taa bedelkeeda Beesha Caalamka kasoo baxay qoraal ka hor imaanaya go’aankii ugu danbeeyay ee madasha wada tashiga ee kuraasta dheeraadka ah lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare, iyaga oo ku taliyay in loo daayo tirada kuraasta xubnaha aqalka sare 54 xubnood sida uu dhigayo dastuurka.
Madaxweyne Xasan Sheekh kama uusan hadal sababta uu uga baaqday Munaasabada iyo Qoraalka kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ee lagu qaadacay talaabada ay qaaden madasha wada tashiga.
Tani waxa ay imaaneysaa xili Dowlada Somalia muddo 4 jeer ah ay haleeli weysay xiliga Doorashada loogu tallo galay inay ku dhacdo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

