25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Jawaari oo digniintii ugu horeysay kasoo saaray baarlamanka cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay waxa la yiraahdo Aqalka Hoose, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inuu jiro Golaha Shacabka .

Jawaari waxa uu sheegay inay jiraan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo Golaha Shacabka ugu yeera Aqalka Hoose, waxa uuna ku baaqay inaan la khaldin magaca.

Jawaari waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada la doortay loogu yeerikaro Golaha Shacabka, oo aan la baalmarin asluubeynta magaca dalada Baarlamaanka.

”Anigu horay uma aanan arag wax la yiraahdo Aqalka Hoose ee waxaan ogahay inuu jiro Golaha Shacabka BFS”

”Dadka dhaha Aqalka Hoose waxaan ugu yeerayaa inay dhahaan Golaha Shacabka yaanan la khaldin magaca maadaama uu yahay mid ku qeexan sharciga dalka”

Haddalka Jawaari ayaa imaanaya xili dalka uu yeeshay Baarlamaan cusub oo soo dooran doona Madaxweynaha hogaamin doona dalka 2017 ilaa 2020.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News