Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ee golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa horyaalo howlo badan.
Baarlamaanka cusub ee shalay la dhaariyay howsha ugu horeysa ee laga sugayo waxay tahay inay la wareegaan shaqadii ay qabanayeen madaxda madasha wadatashiga qaranka.
Waxaa kaloo laga sugayaa inay shaaciyaan waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo gudoonka baarlamaanka.
Walow horey loo qorsheeyay waqtiga doorashada dhaceyso, ayaa haddana waxaa soo baxaya in baarlamaanka cusub loo deyn doono waqtiga iyo howlaha xiliga ay dhacayaan.
“Shaqada ugu horreysa ee u taalla Labada aqal ayaa ah iney ka doodaan wax ka bedalaan, wax ku kordhiyaan, wax ka saaraan xeerka KMG ah ee goloyaashan howshiisa hagi doonta waqtiga doorashooyinka guddoonka iyo madaxweynaha, waxyaabaha la idiin soo gudbiyey waxaa ku jira qodobo badan oo ah wax ay madashu soo gaartey laakiin aan Dastuurka ku jirin, hadda wixii ka dambeeyey waxaa dhismay Baarlamaankii 10-aad”
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya baarlamaanka rasmi ah bay leedahay, wixii go’aan gaaris ah waxaa is kaleh baarlamaanka ee madashu malahan, madashu Hoggaanka qaran door muhiim ah bay soo qaateen, wayna ku mahadsanyihiin, laakiinse hadda wixii ka dambeeya baarlamaankan ayaa taladiisa la wareegay, waxaan rabaa inaan idiin tilmaamo meelaha la doonayo oo si waafi ah looga soo baaraan dego” ayuu yiri xildhibaan Cawad.
Doorashada sanadkaan ayaa marar badan waxaa ku yimid dib u dhac, maadaama madaxda madasha ay isku fahmi waayeen qodobo dhowr ahaa.
Inkastoo hishiis laga gaaray ayaa haddana waxaa muuqata in beesha caalamka aysan raali ka aheyn go’aankii kasoobaxay madaxda madasha , waxaana beesha caalamka ay sheegtay in kordhinta aqalka sare ay u taalo xildhibaanada cusub.
Baarlamaanka cusub ayaanna laga sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonaan in la kordhiyo xubnaha aqalka sare, walow dastuurka uu dhigayo in aqalka sare tiro ahaan uu ahaadaa 54 xildhibaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

