Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii u danbeeyay baahinay documentiyo iyo sawirro muujinaayo in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Ganacsato uu hormuud u yahay Xasan Mire laga iibiyay dhulkii Terabuunka ee ku yaal degmada Hodan, waxaa dhacdadaasi foosha xun ee lagu boobay dhulkii danta guud kasoo gudbineynaa sawir gacmeed muujinaayo boobka ganacsatada iyo madaxda gobolka Banaadir isu baheysteen.
Sawirkaan ayaa ka turjumaayo marxalada xiligaan kala guurka ah iyo sida madaxda gobolka Banaadir iyo Ganacsatada ugu faa’iideysanayaan hantida qaranka iyo tan danta guud.
Dhulkaan oo ka kooban 128 boos, waxaa iibsaday ganacsato uu hormuud u yahay Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro Xasan Mire, C/qaadir Abuukar oo wakiil ka ah Aabihiis Abuukar Cumar Caddaan iyo ganacsato kale.
Waxaa qoraaladeena danbe idiin kugu soo gudbineynaa qeylo dhaan ay muujiyeen dad dabar yar oo deganaa dhulkaasi tan iyo burburkii dalka oo si qasab ah looga kiciyay, qaar kalena lagu amray in ay banneeyaan dhulkaasi oo burburin lagu bilaabay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

