Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray ciidamo taabacsan maamulka Puntland iyo kuwo ka amar qaata maamulka Soomaalida Ethiopia.
Dagaalka oo markii labaad dhacay maanta ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka amar qaata DDSI iyo kuwo ka amar qaata maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad shan ruux ay ku dhinteen dagaalka, waxaana lamid kamid ah la xaqiijiyay inay ka tirsanaayeen dhanka Puntland, wallow aan la xaqiijin Karin khasaaraha heerka uu gaarayo.
Dagaalka ayaa kusoo aaday maalin kadib markii Puntland ay deegaanka ka dhagax dhigtay seddex mashruuc oo dadka deegaanka lagu hormarinayo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay labada maamul, waxaase taagan xiisada.
La soco waxii kusoo kordhaa insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

