Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa oo ay dooran doonaan Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay.
Musharaxiinta ka qeybqaadan doona Doorashada dhici doonta ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Musharaxiin kale oo tiradooda lagu sheegay ilaa Seddex Musharax.
Qaar kamid ah Siyaasiyiinta iyo Nabadoonada ku dhaqan magaalada Muqdisho, oo arragtiyo kala duwan ka dhiibanaayay suuragalnimada in mar kale ay Xildhibaanada doortaan Jawaari, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Nabadoon Muumin Gariig.
Nabadoon Muumin Gariig oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan dalka ayaa ka digay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay dib usoo doortaan Jawaari.
Nabadoonka oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay Jawaari uusan u cadaalad qaadin Xildhibaanada.
Waxa uu tilmaanay Nabadoon Muumin Gariig in Jawaari uu sii kala fogeeyay Xildhibaanada dalka, isagoo garab u noqday Madaxweynaha Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale, sheegay Nabadoonku in Baarlamaankii Afartii sano ee la soo dhaafay ay Mas’uul ka ahaayeen in Muqdisho Maqaamkeeda la duudsiiyo.
Sidoo kale waxa uu ku dhaliilay Guddoonkii hore ee Baarlamanka wax qabad xumo isagoo ku booriyay Xildhibaanada Cusub in Isbedel ay qaataan islamarkaana ay doortaan Guddoon wax qabad leh.
Dhaliisha loo jeedinaayo Jawaari, ayaa kusoo beegmeysa xili magaalada Muqdisho uu ka socdo ololo ay Xildhibaanada ku dooranayaan Jawaari.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]