Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxaa ku sugan dhammaan xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Somalia kuwaasi oo muujinaaya dhaqamo cusub oo ka duwan kuwii hore.
Xildhibaanada Cusub oo u badan dhalinyaro ayaa Xildhibaanadii hore kaga duwan laba arrin oo soo jiitay Shacabka Soomaaliyeeda waxaa kamid ah:
1-Inta badan Xildhibaanada cusub oo wali heysta dhaqankoodii hore, ayaa waxaa si siman loogu arkayaa goobaha caadiga ah ee lagu shaaho iyo Maqaayadaha.
2-Xildhibaanada cusub oo aan u badneyn reer Muqdisho, ayaa iminka qolol caadi ah ka degan guryaha caadiga ah oo dhinac ay ka degan yihiin qoysaska.
Mid kamid ah Xildhibaanada cusub oo lagu magacaabo Cabdullahi Sheekh ayaa sheegay in dhinac uu ka degan yahay guri ay degan yihiin qoysas.
”Haddii aad horay u aragteen Xildhibaano isla qobweyn waxaa hadda imaaday Xildhibaano dhalinyaro ah oo la heysta noloshii caadiga ahaa”
”Waxaan rajeynayaa in kuwa harsan ay kamid noqdaan kuwa ku nool nolosha caadiga ah, waayo dalka waxaa ka jira amni”
Xiliyada Habeenkii waxaa baararka magaalada Muqdisho ku shaaha Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub kuwaasi oo wali aan iska dhaadhicin mas’uuliyada saaran.
Si kastaba ha ahaatee, talaabada ay qaaden Xildhibaanada Cusub ayaa imaaneysa Xili Xildhibaanadii hore ay iska dhex faquuqi jireen shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]