Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dil nin Sarkaal ahaa shalay loogu gaystay Xarunta Madaxtooyada Somaliya dhexdeeda, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada.
Ilo wareedyo, ayaa sheegay in Korneyl Cabdi Cabdulle Qoorgaab, oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Koofi Casta ee ka hawlgala Villa Somalia, loo dilay lacag dhan boqol lacagta Mareykanka.
“Korneyl Cabdi Cabdulle Qoorgaab wuxuu ahaa Abaan Duulihii Ciidamada Koofi Casta ee Madaxtooyada. Abaan Duule wuxuu ka dhigan yahay Taliye Ku Xigeenka Ciidamada.” Ayuu yiri Sarkaal Madaxtooyada ka tirsan oo codsaday inaan la magacaabin.
Sarkaalkan ayaa yiri “Abaan Duulaha, ayaa waxaa dilay nin askari ah, sababtuna waxaa weeye shalay ayaa mushaarka loo qaybiyay Ciidamada Koofi Casta, askarigana kuma jirin askartii mushaarka la siiyay. Maanta ayuu soo maqlay in mushaaraadka si hoose loogu qaybiyay Ciidamada Koofi Casta oo uu ka tirsanaa, wuxuuna ku yiri mushaarkayga i sii, isagiina si toos ah ugu muu jawaabin. Boqol dollar ($100) ayuuna maanta u dhintay.”
Waxaa uu tilmaamay in mushkilad ay ka taagan tahay bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida Qaranka, isagoo intaa ku daray in markasta la musuq maasuqo mushaaraadka ciidamada.
“Arrinta mushaaraadka ciidamada murunka baa ka dhasha mar walba. Waa wax taagan, maxaa yeelay nin xukuma ciidan meel joogga ayaa Taliyaha Ciidamada ka soo saxiixaya in ciidanka uu mushaarka u qaybinayo, markuu ka so qaado Wasaaradda Maaliyadana, si hoose ayuu ugu qaybiyaa ciidan yar oo ka mid ah ciidanka uu xukumo. Qaab qabiil ha ugu qaybiyo ama ha ugu qaybiyo si is garasho ah. Inta badan ciidankaasi lacagaha waxaa loogu diraa teleefanadooda gacanta. Hadhowna waxaa loo sheegaa Madaxda Dowladda in la bixiyay mushaarkii.” Ayuu yiri Sarkaalkan.
Sarkaalkan, ayaa intaa raaciyay “Hadaba dhibaatada waxay ka jirtaa Madaxdii Qaranka oo aan wax hubin ah ku samaynin in mushaarkii ciidanka la gaarsiiyay iyo in kale. Taas ayaana u sahlaysa in musuq maasuq uu ku kaco Sarkaalkii xukumaayay ciidanka hoos-tagga.”
Hay’adaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa baadi-goob ugu jira askariga dilka gaystay, kaa oo duhurnimadii shalay ka baxsaday Villa Somalia, ka dib dilka Korneyl Qoorgaab.

