Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo kulan go’aan kama dambeys ah ku gaarayaan.
Go’aankaasi ayaa waxaa la filayaa in lagu shaaciyo magacyada xildhibaanada noqonaya gudiga doorashada gudoonka baarlamaanka ee aqalka sare iyo golaha shacabka.
Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore ayaa shaaciyay in baarlamaanka maanta uu gaari doono go’aan kama dambeys ah.
Wuxuu sheegay in xildhibaanada aysan maanta la dhaafi doonin iney dhisaan gudiyada doorashada gudoonka baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa la filayaa sidoo kale iney ka hadlaan oo fikrad ku yeeshaan xubnaha kamid noqonaya gudiga doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

