32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Go’aan yaab leh: DF oo shaacisay in xildhibaanada Aqalka Sare aysan mushahar lahayn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax xuquuq ah laheyn seddexda bilood ee soo socoto.

Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim ayaa si cad u sheegay in xildhibaanada aqalka sare wax xuquuq ah aysan ku laheyn miisaaniyada dowladda.

Wuxuu sheegay in muddo seddex bilood ah aysan laheyn xuquuq, taasi oo uu kala jeedo ineysan heli doonin mushaaraadkooda, maadaama miisaaniyada aan lagu darin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in miisaaniyada la dajiyay 2016 lagu shaqeyn doono ilaa bisha seddexaad ee sanadka cusub, taasina ay la micno tahay ineysan qorshihii hore ku jirin xildhibaanada aqalka sare.

Waxaa uu sidoo kale xusay Wasiir Fargeeti in xukuumadda ay ku shaqeyn doonto Miinsaaniyadii uu horay u ansixiyay baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday saddexda bilood ee soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News