25.2 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Xog: Shariif Xasan oo 2 qorshe ka damacsan musharaxnimadiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wali wada ololihiisa Doorasho, xili muddo dhowr jeer ah laga dalbaday inuu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa, balse uu ka diiday dowladda Ethiopia.

Shariif Xasan oo goor sii horeysay ka qeybqaatay Doorashada dalka ayaa waxa uu iminka mar kale u hanqal taagayaa inuu kasoo dhexmuuqdo Musharaxiinta kale si uu u hanto Kursiga ugu sareeya dalka.

Shariif Xasan oo kamid ah Musharaxiinta ugu miisaanka culus, ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in Musharaxnimadiisu ay tahay mid lagu cuuryaaminaayo shaqsiyaad gaara, waxaana xusid mudan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu la doonaayo Hawiye ama Daarood.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale Musharaxnimadiisa ka damacsan laba qorsho oo kala ah:

1 – Qorshaha koowaad ee Shariif Xasan ayaa ah inuu kala dhantaalo Hamiga Madaxweyne Xasan ee ku aadan dib usoo laabashadiisa.

2 – In mar kale uusan dib usoo laaban Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan oo lagu wado inuu kamid noqon doono Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa aad uga soo horjeeda dib usoo laabashada labadaasi mas’uul, waxa uuna taa ka doorbidayaa in Hogaanka dalka iyo Baarlamaanka ay qabtaan shaqsiyaad kale.

Haddii ay dhacdo in Shariif Xasan uu ku guuleysto Labada qodob ee aan kor kusoo xusnay ayaa waxa ay ka dhigan tahay in Shariif uu leeyahay awood ka duwan tan Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News