25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Keating oo wada qorshe haddii uu xildhibaanada ka dhaadhiciyo ka dhigaya doorashada mid…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa lagu wadaa in kulamo gaar gaar ah la qaato Xildhibaanada dhawaan lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Ujeedka ugu weyn ee kulankiisa ayaa ah inuu ka waaniyo Musuqa, Eexda iyo inay la saftaan Xisbiyo iyo Shaqsiyaad gaara inta lagu guda jiro Doorashooyinka Somalia, gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Michael Keating, waxa uu sidoo kale, Xildhibaanada ku baraarujin doonaa inay dhex dhexaad ka noqdaan Siyaasada Somalia, isla markaana ka fogaadan Mooshinada ay ku caanbaxeen Xildhibaanadii hore.

Sidoo kale, Michel Keating ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Beesha Caalamka aysan u dulqaadan doonin baalmar lagu sameeyo sharciyada dalka.

Afartan iyo kow ka mid ah Xildhibaanada ayaa noqon doonaan senatorada Aqalka Sare, halka 242 ay noqon doonaan xubnaha ka mid ah Golaha Shacabka.

Qorshaha Keating ayaa imanaya ayada oo dalal badan oo Mareykanka iyo Yurub ah ay sheegeen in xubnaha musuq maasuq ku kaca ee haysta dhalashada dalalkooda laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciyadooda.

Dowladda Soomaaliya oo ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa ku xidhan dhaqaalaha shisheeye inay ku daboolaan baahiyaha ciidamada qalabka sida iyo kuwa ka socda ee ka mid ah 22,000 oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News