Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.
Kulanka labada mas’uul oo salka ku hayay arrimaha Doorashooyinka ayaa ka dhacay Xafiiska QM ee magaalada Muqdisho.
C/wali Gaas iyo Micheal Keating ayaa kawada hadlay Hanaanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku-xigeenadiisa iyo tan Madaxweynaha.
C/wali Gaas ayaa Mr Keating ka dalbaday in Beesha Caalamka ay isha ku heyso Hanaanka Doorashooyinka.
Mr Keating ayaa C/wali Gaas ka aqbalay dalabka la xiriira la socodka arrimaha Doorashooyinka, waxa uuna Keating sidoo kale aqbalay in xiliga Doorashada ka hor ay xubno ku dhexyeeshaan Guddiyada Doorashooyinka.
Keating ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay dhex dhexaad ka noqon doonto Doorashooyinka waxa uuna meesha ka saaray inay la safan yihiin dhinacyo gaara.
Keating iyo C/wali Gaas oo sidoo kale kawada hadlay arrimo kale oo aan la shaacin ayaa waxaa kulankooda ka mahadceliyay Ergayga oo ku celcelshay in waxbadan ay ka bedeli doonaan Hanaanka Doorashooyinka.
Dhinaca kale, Labada mas’uul ayaa isla gartay in lala shaqeeyo Guddiyada Doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

