Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani) uu xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) .
Xil ka qaadista Guddoomiyaha ayaa timid kadib markii isagoo xilka Degmada haya uu u hanqal taagay kamid noqoshada Baarlamaanka cusub.
Qoslaaye, ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii dhawaan magaalada Cadaado uga qeybgalay Doorashada Aqalka Hoose waxa uuna halkaasi ku waayay rajadiisii la xiriirtay kamid noqoshada Baarlamaanka cusub.
Guddoomiyaha Gobolka Sheekh Yuusuf ayaa horay xilka uga qaaday Guddoomiyihii Degmada Waabari Xaawo Kiin Maxamuud Axmed Cali.
Xil ka qaadista ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ka digay in mudada lagu guda jiro Doorashooyinka xil ka qaadis iyo magacaabid la sameeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

