28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhageyso: Sheekh Shariif oo aan waxba ula harin dowladda Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna musharax madaxweyne ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya ee madaxda ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib markii uu maanta dib ugu soo laabtay dalka, ayuu sheegay in xaaladda dalka ay tahay mid adag oo qof waliba uga baahan inuu u istaago sidii uu wax uga qaban lahaa.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay filayeen isbedel weyn oo ku dhaca dhinaca waliba, laakiin taasi dhici weyday, wuxuuna si toos ah u weeraray dowladda xiligeedu dhammaaday.

Wuxuu sheegay in dhaqaalaha ay ku takri fashay dowladda Xasan Sheekh, shacabkuna ay dhuunta u qabteen, isla markaana in ciidamada Qaranka si ku talagal ah in loo kala daadiyay.

Hoos ka dhageyso hadalka Sheekh Shariif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News