Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waxaa soo baxaya in qaraxa oo gaari laga buuxiyay uu ka dhacay albaabka labaad ee garoonka diyaaradaha ee xiga dhanka Madiino.
Dadka ku sugan degmada Wadajir ayaa sheegaya in isgoys ciidamada ku sugan yihiin uu ku qarxay gaariga.
Warar kale ayaa sheegaya in bartilmaameydka qaraxa uu ahaa hotel Peace oo ku yaala meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha.
Waxaana qaraxa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo bixiyay.
Sawiro lagu qaaday Mobeylo ayaa muujinaya uurada qaraxa uu bixiyay iyo culeeska uu lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

