Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihi Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka Somalia Maryan Cariif Qaasim ayaa ka hadashay go’aanada dhawaan kasoo baxay Shirka wada-tashiga Qaran ee maalmo un ka hor kusoo xirmay magaalada Muqdisho.
Maryan waxa ay sheegtay in Madashu aysan awood u laheyn inay hogaamiyaan Howlaha dalka, maadaama wadanka uu yeeshay Baarlamaan laba Aqal ka kooban.
Gudiga Doorashada Qaranka ayey sheegtay in ay leeyihiin Diyaarinta Doorashada Madaxweynaha, halka Madashu leedahay tixgalinta go’aanada kasoo baxa Baarlamaanka Somalia.
”Madashu awood uma laha inay maamusho howlaha loogu tallo galay Baarlamaanada waxaaba Khalad ah in wixii intaa ka harsan uusii jiro maamulka Madasha”
Baarlamaanka cusub ayay ugu baaqday inay ka fiirsadaan sharciyada la horgeynaayo ee aan aqoonta loo laheyn maadaama ay jiraan kuwo leysku Khilaafsan yahay.
Dhinaca kale, Xildhibaanada ayay ugu baaqday inay ka biya diidaan awood sheegashada Madasha Qaranka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

