Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay warar maalmahaan saxaafadda caalamiga ah ay ka hadlayeen oo ku saabsan heshiisyada dhinaca horumarinta dekaddaha iyo saldhigyada ciidan ee dowladda Imaaraatka Carabta la gashay Ereteria iyo maamulka Somaliland, kaasoo lagu tilmaamay halis kusoo socota Itoobiya.
Hailemariam Desalegn oo wareysi gaar ah siinayay Telefishinka Al-jazeera ayuu wuxuu ku sheegay in dalalka gobolka Geeska xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo marka laga reebo Erateria, waxaana la weydiiyay sida uu u arko heshiisyada ay dowladda Imaaraatka Carabta ku maalgashaneyso dekadda Berbera ee Somaliland iyo dekadda Casabe ee dalka Ereteria oo ay maalgashatay, Turkiga oo Muqdisho isna maamula, halista ugu imaan karta Itoobiya oo bad laheyn.
“Dhammaan deriskeena wax cabsi ah kama qabno, xiriir fiican ayaan la leenahay, marka laga reebo Ereteriya, Soomaaliya waxaanu leenahay xiriir aad u wanaagsan, iyo Somaliland oo waqtigan hadda la joogo ah maamul ka madax bannaan Somalia, inta ay madaxbannanideeda dawladnimo helayso. xiriir fiican oo iskaashi iyo jaarnimo ayaanu la’ leenahay Somaliland iyo Soomaaliyaba, iyo weliba dalalka Jabuuti iyo Suudaan oo dekaddaheeda isticmaalno” ayuu yiri Hailamarian oo sheegay in wax dhibaato ah u arkin Itoobiya maalgashiga Imaaraatka Carabta ku wado dalalka deriska la ah Itoobiya.
“Wax dhibaato ah uma aragno maalgashi kasta oo u yimaadda dalalka xiriirka leenahay Imaaraatka in uu ka shaqeeyo dekedahan, inta aanay taasi khatar gelinayn danahayaga iyo amniga qarankayaga” ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale sheegay in dalalka qaar ay ka jiraan colaado, taas macnaheeduna aysan aheyn in colaad kale lala galo dalalka saaxiibada ah iyo kuwa jaarka ay yihiinba, sidaasi awgeedna buu yiri aanu ka shaqeyneyno xoojinta xiriirka istaraatiijayadeed ee ay la leeyihiin dalalka deriska si loo wadaago amni, xasilooni iyo barwaaqo ay ummada u horseeda.
Alex Mello oo Falanqeeye arrimaha amniga ka ah Hay’adda Horizon Client Access, xarunteeduna ay tahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Faransiiska iyo wargeyskeedaba ku sheegtay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay horumar lixaad leh ku sameyneysa militarigeeda Geeska Afrika. dhawaantana, ay la saxiixatay maamulka Somaliland oo sheegta dowlad ka madax bannaan Somalia heshiis soconaya 25 sanadood, kaas oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta uga dhisaneyso Magaalada xeebta ah Ber-Bera saldhig milatari oo Cirka iyo Badda ah, sidoo kalena heshiiskaan mid la mid ah Ereteria ay la gashay, kaasoo caqabad ku ah shacabka iyo dowladda Itoobiya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

