26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Muxuu Sheekh Shibli ka yiri laaluushka xildhibaanada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Shibli oo kamid ah mashaa’iqda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay laaluushka la qaataa si loogu codeeyo dadka bixinaya laaluushka.

Sheekha, ayaa sheegay in laaluushka uu yahay wax xaaraam ah, balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadka qaadana iney ka feejignaadaan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dadka ka qaata madaxda ay dooranayaan iney ka codeyn karaan dadka ay ka qaateen.

Wuxuu sheegay in laaluushka ay qaateen aysan ku dooran ruux aan danta iyo dalka Soomaaliya ka shaqeyneyn, balse ay doortaan ruux dalka hogaamin kara.

“Laalush kaa ka qaadateen waad ka codeyn kartaan waayo balan kuguma laha qof laalush ku siiyey u codeey qofka wanaagsan”ayuu yiri Sheekh Shibli.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sanadkaan dooranaya gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo madaxweynaha dalka, waxaana aad loo hadal hayaa dhaqaalaha badan ee sanadkaan ku baxaya doorashada.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News