Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee dowlada ayaa Saaka si weyn u adkeeyay amniga waddooyinka magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah xoojinta Nabadgelyada caasimadda.
Ciidamada ayaa lagu arkayaa inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gaadiidka ka celinaya waddooyinka hal boolaha u ah caasimadda.
Waddooyinka xaafadaha gala ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa gaadiid dagaal oo ay wataan ciidamada dowlada kuwaasi oo is hortaagaya gaadiidka kasoo baxaaya xaafadaha.
Isgooyska Taleex ayaa kamid ah Isgooysyada xiran, halka dhowr kalana ay yihiin kuwo laga mamnuucay xitaa dadka shacabka.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka Madaxda Qaranka sida Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha bishaan gudaheeda.
Docda kale, sababta ugu weyn ee xirnaanshiyaha waddooyinka ayaa lagu sheegay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]