Bosaaso(Caasimada Online)-Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka maamulka Puntland ayaa ku baaqay in Mooshin laga gudbiyo Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas.
Suldaan Afgaduud oo ka mid ah Odayaasha maamulka ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inaysan ka aamusin habdhaqanka C/wali Gaas, waxa uuna ku eedeeyay in dhaqankiisa uu noqday Safaro aan dhamaan iyo Xuquuqaadka shaqaalaha oo uusan bixin.
Suldaan Afgaduud, waxa uu tilmaamay in C/wali Gaas uu ku fashilmay hogaaminta maamulka iyo howlaha ay shacabka Puntland u igmadeen, sida uu haddalka u dhigay mar uu la hadlaayay SMN.
Xildhibaanada ayuu ugu baaqay inaysan indhaha ka qabsan waxyaabaha khaladaadka ah ee uu kusii dhiiranaayo Gaas, si buu yiri looga gudbo hoos u dhaca ku imaanaya horumarka deegaanada maamulka.
Afgaduud waxa uu sheegay in waxyaabaha uu ku fashilmay C/wali Gaas ay kamid yihiin arrimaha Amniga deegaanada Maamulkaas iyo wax ka qabashada Colaadda Magaalada Gaalkacyo.
Haddalka Afgaduud, ayaa imaanaya xili Xildhibaanada Puntland ay muddo Seddex jeer ku fashilmeen Mooshin ay ka keeneen C/wali Gaas.
Caasimada Online
Xafiiska Bosaaso
[email protected]