Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in Madaxtooyada Maamulka uu goordhow ka bilowday kulamo kala duwan oo u dhexeeya Hogaamiyaha Maamulka Axmed Madoobe iyo Xildhibaano dhowr ah oo magaalada Kismaayo ku hormaray.
Kulamada oo xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha cusub ee la dooran doono.
Axmed Madoobe oo la hadlay Xildhibaanada ku hormaray Kismaayo ayaa Xildhibaanada u sheegay in qorshaha kulanka uu yahay mid gaara oo ay diirada ku saari doonaan cida mudan in la doorto.
Axmed Madoobe ayaa saacadaha soo socda kulan guud la qaadan doona Xildhibaanada iyadoo farta loogu fiiqi doono cida ay u dooran doonaan Guddoomiyaha BFS iyo Madaxweynaha la filaayo inuu hogaamin doono dalka.
Dhinaca kale, Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan Xildhibaanada harsan oo wali ku xaniban magaalada Muqdisho kuwaa oo aan helin Diyaaradii geyn laheyn Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]