25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhismaha xildhibaanada Aqalka Sare ku shirayaan oo xariga laga jaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta ay ku shirayaan xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka iyo xubno kale oo dowlada ah ayaa ka qeyb galay xarig ka jarista dhismaha cusub ee aqalka sare ku shirayaan.

Dowladda Turkiga ayaa dhaqaalo badan ku bixisay dhismahaasi oo ku yaala degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ku shiraya xildhibaanada aqalka sare.

Dhismaha oo ah goob casri ah ayaa waxaa mar sii horeysay kormeer ku tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali.

Xasan Sheikh,ayaa mahad celin u jeediyay dowladda Turkiga taageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu sii wanaagsanaanayo xiriirka labada dowladood.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga oo dhankooda xaflada furitaanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News