Mr. Musharax, isla xisaabtan, naftaada run u sheeg, dadkaada ha lug goynin. Xal ma u heli karta suaaladaan?
Musharaxiinta wa inee isku xishoodaan ee nafsadooda la xisaabtamaan. Badankooda waxee raadinaayaan jago shaqadiisa ee ka bixikarin. Qof xanuunsan haduu u baahanyahay in wadnaha laga qalo oo la yiraahdo qofkii qalo waxaa la siinaaya 100 kun dollar, wa qatar, ceeb iyo xishood la’aan in nin waxbo ka kaseenin qaliin iyo dakhtarnimo inuu dhaho aniga qalaayo. Sidaas ayay la mid yihiin musharixiinta.
Dhibaatoyinka Soomaaliya ma fahamsano iyo karti, aqoon iyo wax tar uma lahan, haddane we isoo sharxeen. Madaxweynayaal oo qooto qooto oo nagu filan aya na soo mareen. Musharaxiinta waxaan leeyahay haddaa ka jawaabikarin iyo xal u heli karin suaaladaan fadlan ka laabo musharaxnimadaada. Soomaaliya waxee u baahantahay nin daacad ah, xikmad leh, wax tar leh iyo jawaab iyo xal ka bixin karo suaaladaan.
1. Sidee u xalinaysa arrrinta Soomaaliland adigoo ilaalinaysid midnimada Soomaaliya?
2. Sidee u keenaysa dib u heshiisiin dhab ah?
3. Maxaa kaaga qorshaysan la dagaalanka masuqmaasuqa oo ku baahsan dalka?
4. Maxaa kaaga qorshaysan soo celinta rajada caruurta Soomaliyeed kana badbaadisid gaajada, tahriibka iyo aqoon darada?
5. Maxaa kaaga qorshaysan kobcinta dhaqaalaha?
6. Maxaa kaaga qorshaysan soo uruurinta canshuuraha dalka?
7. Sidee u abaabulaysa ciidan midaysan oo tayo leh kana badbaadiyo dalka dhibaatooyinka baahsan? Maxaa kaaga qorshaysan ka bixitaanka dalka ciidanka AMISOM?
8. Maxaa ka qabanaysa dhibaatooyinka ee wadaan argagaxisada iyo maleeshooyinka? Maxaa kaaga qorshaysan hub ka dhigida argagaxisada, maleeshooyinka, qabqablayaasha iyo ganacsatada?
9. Sidee u wanaajinaysa xiriirka dowlada federaalka iyo maamul gobaleedyada?
10. Sidee u wajahaysa helitaanka cadaalad, sinaan, saraynta sharciga iyo shaqo abuuris?
Dhibaatooyinka Soomaaliya haysato we badanyihiin: waxaa ka mid ah dib u heshiisiin la’aan, masuqmaasuq, baahi iyo abaar, dagaal iyo maqnaanshaha cadaalad iyo saraynta sharciga.
Nin qooto qooto arrimahaan xal uma heli karo. Nin naftiis u talin waayay ama doonaayo inoo jagada madaxtinimada ka lacagaysto ha isku xishoodo ee ha u dhaafo madaxtinimada nin Soomaaliya isbadal u keeni karo. Nin qab iyo magac raadsanaayo uma baahanni. Kaliya madaxweyne riyo fog leh oo wax tar iyo karti leh ayay Soomaaliya u baahantahay.
Mr. Musharax, isla xisaabtan, naftaada run u sheeg, dadkaada ha lug goynin. Xal ma u heli karta suaaladaan?
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com