Waa kuma xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Doorashada oo ay ku loolamayaan Siyaasiyiin caan ah, ayaa waxaa iminka kusoo baxay Cabdi Xaashi Cabdullahi oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa ka guuleystay Maxamuud Jirde Xuseen oo kamid ahaa Musharaxiinta u taagnaa xilka.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa Jirde ku reebay codad dhowr ah, waxa uuna helay 29 Cod.

Guddiga Doorashada ayaa Hoolka ka sheegay inuu soo baxay Cabdi Xaashi, halka musharaxa kale uusan haleelin codadka laga doonaayay.

Dhinaca kale, Hoolka ay ka socoto Doorasahada ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin dhowr ah oo doonaaya inay kusoo baxaan Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com