Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia kusoo xirmay Codeynta Wareega Labaad ee Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo Labaad.
Guddiga Doorashooyinka oo tirin ku bilaabay Codadka ayaa waxaa ku horeeya Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.
Codadka ugu badan ee tirinta ay ku socto ayaa waxaa u badan Xildhibaan Muudey, waxaana mar waliba Xildhibaan Faarax C/qaadir laga horeeyaa ilaa 15 Cod.
Xildhibaanada qaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Doorashadu ay u muuqato mid uu ku itaal badin doono Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.
Saadaasha ugu badan ayaa ah in Doorashada uu kusoo bixi doono C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, oo codad aad u farabadan ku hogaaminaayo Faarax C/qaadir.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa socda Doorashada waxaana lagu wadaa in goordhow lagu dhawaaqo cida ay guushu raacday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

