Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ayaa hadal shaki badan dhaliyay oo uu jeediyay ku sheegay in hantida ugu badan ee Soomaaliya ay taallo caasimada dalka ee Muqdisho, sababta loogu ordayana Xamar ay tahay dhaqaalahaasi yaal si kastaba haku timaadee waa sida uu hadalka u dhigaye.
Faroole oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe ka hor inta uusan u duulin Nairobi ayaa wuxuu shaki geliyay xalaal ahaanshaha hantida iyo lacagta taal Xamar ee ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay xalaaleeyaan hantida ay leeyihiin si kastaba haku timaadee kuna xalaaloowi karto in ay kala bar ku tabarucaan dadka abaaraha ku haayo deegaanada Puntland, inkastoo uusan soo hadal qaadin gobolada kale ee dalka.
“Waxaan si gaar ahaan ah ula hadlayaa dadka Xamar, dadka Soomaaliyeed waxay dhahaan lacagtii Soomaaliya waxay isugu aruurtay Xamar, waxaa mar walbo Xamar loogu ordaayo ee xildhibaanka loo raadinaayo, lacagtaas ayaa wax laga raadinaa, marka maanta bixiya xoolahiina haddii shaki ku jira meelihii ay ka yimaadeen hadduu shaku ku jiro ha lagu xalaaleeyee sekada ka bixiya, maanta ragga lacagta aruursaday nus ha bixiyaan si kastaba haku keeneenee weliba waxaan si gaar ah ula hadlayaa dadka Xamar” ayuu yiri Faroole.
Faroole oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah murashaxiinta tartanka u gelaya xilka madaxweyne, inkastoo aan la ogeyn inuu tartankaasi ka hari doono iyo in uu ka dhabeyn doono hadalkiisa, hadii ay dhab noqotana rajada laga qabo in la doorto ayaa meel hoose ku jirto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

