Cabaas oo ka digay qorshe cadowtooyo ah oo Trump uu ka damacsan yahay Qudus

Gaza (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabas ayaa warqad uu u qoray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, waxa uu kaga digay inuusan safaaradda Mareykanka ee Israel kasoo wareejin magaalada Tel Aviv una rarin magaalada Jerusalem, ee Yahuudda ay xoogga ku haysato.

Trump ayaa marar badan sheegay inuu qorsheynayo in marka uu madaxweyne noqdo uu safaaradda Mareykanka ee Israel u raro Jerusalem, waxaana bishii hore uu safiirka Mareykanka ee Israel u magacaabay David Friedman, oo horey u sheegay inuu safaaradda Mareykanka geyn doono Jerusalem.

“Kuwa halkan degay iyo ilaaladoodaba mar kasta ayey anaga iyo carruurteena na dhibaan” ayuu Cabas ku yiri warqadda uu qoray, taasi oo ka digtay in tallaabada uu Trump ku taamayo ay cawaaqib xun ku yeelan doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xalka lagu raadinayo laba dal oo ay kala leeyihiin Israel iyo Falastiin.

Cabas iyo Trump

Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa oo warkan shaacisay ma aysan sheegin xilliga warqadda la diray.

Madaxweyne Cabas ayaa sidoo kale warado u diray hogaamiyayaasha dalalka dunida sida Russia, China iyo Midowga Yurub isaga oo ugu baaqay inaysan dadaalkooda u kala reebin sidii looga hortagi lahaa tallaabada Mareykanka qorsheynayo.

Falastiinyiinta ayaa kaso horjeeda in Jerusalem loo raro safaaradaha caalamka, maadaama ay tahay magaalo lagu muransan yahay. Haddii Trump uu safaaradda Mareykanka geeyo Jerusalem waxaa macnaheedu yahay inuu u aqoonsanayo magaalo Israel.

Falastiiniyiinta ayaa Bariga Jerusalem ee Israel ay xoogga ku haysato u arka caasimadooda mustaqbalka, halka Israel ay magaalada Jerusalem oo idil ay ka dhigatay caasimadeeda.

Mareykanka iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah QM uma aqoonsana Jerusalem caasimadda Israel, islamarkaana maamulka magaalada ayaa qeyb ka ah dagaalka daba dheeraaday ee Yahuudda iyo Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Bariga Jerusalem ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii, kadibna sheegatay, tallaabadaas oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com