25 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Beesha caalamka oo war kasoo saartay khilaafka Guuleed iyo baarlamanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay go’aankii ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Beeshu waxa ay sheegtay in si gaara ay uga walaacsan tahay Khilaafka muuqda ee ka dhextaagan Hogaamyaha Maamulka iyo Xildhibaanada.

Walaacaani ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden oo dhammaantooda wax laga xumaado ku sheegay Khilaafka taagan.

Beeshu waxa ay Madaxda Maamulka Galmudug ugu baaqday in ay xaliyaan khilaafaadka curtay horraantii toddobaadkan.

Sidoo kale, Beesha Caalamku waxa ay ku baaqday in wadahadal lagu xaliyo Khilaadka, haddii arrinkaasi uu dhici waayana ay gacan ku yeelan doonaan.

Nuqul kamid ah warbixinta Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu yiri ”Muranka hada ka jira Galmudug ee u dhaxeeya xubnaha xildhibaanda iyo Madaxweynaha, waa muhiim in si dhaqsi leh loo dhameeyo, si aysan u abuurin xaalad amni daro ah”

Baaqa Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ay xil ka qaadis ku sameeyen Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News