Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa qirtay in Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada aan lasiin wax mushaar ah muddow dhowr bilood ah.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay inuu qiraayo in Shaqaalaha Dowlada iyo ciidamaduba aan mushaar lasiin muddo 7 bilood, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Khaalid Cumar ayaa sheegay in Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada ay dhibaato farabadan ku qabaan Dowlada.
Khaalid Cumar ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay ka warqabto in Shaqaala iyo Ciidamadu aysan qaadan wax mushaar ah.
“Waa nasiib darro in dowlada sii Dhacday wax mushaar ah aysan bixin muddo 7 bil oo xiriir ah”.
Wasiirka ayaa Taliyayaasha Hay’adaha Amaanka ku eedeeyay inaysan u diirnixin Ciidamada ku howlan sugida Amniga.
Dhinaca kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayuu ugu baaqay in doorasahada ka hor ay wax kaqabraan arrintaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]