Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo la xiriira dhanka doorashada oo aan helnay ayaa caddeynaya in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dib ugu dhaceyso seddex sabab darted.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee sababta u ah dib u dhaca ku imaanaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo la filayey inay dhacdo daba-yaaqada bishan ayaa waxaa kamid ah in xildhibaano badan ay ka dhiman yihiin labada aqal ee baarlamanka dalka.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa galay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo tirada guud ay ka dhiman tahay ku dhawaad 14 xildhibaan, hase yeeshee doorashada madaxweynaha ayaa waxaa qasab ah in lasoo dhameystiro.
Xildhibaanada aqalka hoose ayaa 7 kamid ah waxay ka dhiman tahay Somaliland, labo kamid ah beelaha gobolka Banaadir ,halka shanta kale ay yihiin xildhibaanadii dib loo celiyay.
Xildhibaanada dib loo celiyay waxaa kamid ah: Xildhibaan Shaacir Maxamed oo lagu celiyay Koonfur Galbeed, Maxamed Xasan Nuur oo lagu celiyay Hirshabeele, Xildhibaan C/qaadir Gaafow oo lagu celiyay Galmudug , Cabdi Maxamuud Maxamed oo lagu celiyay Puntland iyo xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Aadan oo lagu celiyay Jubbaland.
Arrinta labaad ee dib u dhigeysa doorashada madaxweynaha ayaa ah xildhibaanada aqalka sare oo wali xildhibaano ay ka dhiman yihiin.
Shan kamid ah xildhibaanada matalaya Somaliland ayaa wali dhiman, waxaana jira is qabqabsi ka taagan shanta xildhibaan iyo qaabka loo qeybsanayo.
Waxaana hubaal ah inaan doorasho la gali Karin iyadoo aan la dhameystirin dhamaan xildhibaanada.
Arinta ugu dambeysa ee sababeysa dib u dhaca doorashada madaxweynaha ayaa ah doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka aqalka sare, maadaama xubnaha aqalka sare ay ka qeyb qaadanayaan doorashada madaxweynaha.
Illaa bartamaha bisha February ayaa la qiyaasayaa inay u dhici karto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

