32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho oo goordhow la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku khaarijiyay Ganacsade Caan ah oo inta badan laga garanayo magaalada Muqdisho.

Kooxdani ayaa dilka Ganacsadaha ka dhex fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday Kooxihii dilka geystay.

Ganacsadaha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Aadan Qalab Xoor oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha, kana dhashay reerka caanka ka ah Muqdisho ee Qalab Xoor.

Cismaan Aadan Qalab Xoor ayaa sidoo kale billowgii toddobaadkii tagay ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa, waxaana xigtay in goor dhow lagu dilo toogasho.

Arrintan ayaa muujineysa in Cusmaan Aadan Qalab Xoor muddo ay ugaarsaneysay kooxda dilka gaystay oo weli aan la aqoon cidda ay yihiin.

Hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal dilka ganacsadaha, mana jirto cid ilaa iyo iminka loo qabtay dilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News