31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xaqiiqda xasuuqa Amisom ee shacabka: Shil mise si ula kac ah?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo laga helaayo tacadiyada ciidamada AMISOM ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkii.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in gaadiidka dagaalka ay dadka shacabka ah dardarsiiyaan xiliyada ay baqdin ka qabaan hadba wadada ay markaasi isticmaalayaan.

Mustaf Maxamuud Nuur oo kamid ah Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhowr Askari oo ka tirsan AMISOM ay u qabteen falkaasi waxa uuna tilmaamay in Askari waliba oo ka tirsan AMISOM falka kadib uu ku andacoodo inuu baxsad ka yahay weerar Bambaano.

Mustaf waxa uu sheegay in Askarta qaar ee loo qabto falkaasi ay yihiin kuwa Cabsan, taana uu Taliska AMISOM ka dhigto marmarsiyo aan dhamaan.

Isagoo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Askarta aan falkaasi u qabanay waxaa jira Seddex kamid ah oo si kutala gal dad shacab ah u dardarsiiyay gaariga waxa ayna ku andacoodeen in dadkaasi ay dhexda kasoo galeen gaadiid ay wateen”

Mustaf waxa uu intaa raaciyay ”Dowlada Somalia waxaan u xaqiijinayaa in dadka shacabka ay si kutalo gal ah loo dardarsiiyo gaadiidka loona baahan yahay in la xadido xawaaraha ay ku socdaan gaadiidka AMISOM”

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolka Sh/Hoose ayaa dhowrkii bil ee lasoo dhaafay gaadiidkooda ku xasuuqay dad shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News