26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Labo askari oo maanta lagu dhex toogtay bartamaha Boosaaso

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa sheegay in gelinkii danbe lagu dilay labo askari oo katirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland.

Saraakiisha Amniga ee Magaalada Boosaaso oo xaqiijiyay in la dilay labadan Askari ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay baxsadeen Raga Dilka geeystay oo Biskoolada ku hubeeysnaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Puntland oo dilka kadib goobta gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaano, si gacanta loogu soo dhigo burcadii dilkan geysatay.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadi doonaan talaabo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa ragga amni darada ka wada Degaanada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News