29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo isdiiwaan galinaaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta talaado ah lagu wadaa in Xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia uu ka bilowdo diiwaan galinta Musharaxiinta loolanka ugu jira Hogaaminta Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dooneysa inay qabtaan Hogaanka Aqalka Sare, ayaa waxaa fursad loo siiyay in diiwaan galintooda ay kusoo idleeyan ilaa 19-ka Bishaan aan ku jirno.

Senator Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ayaa sheegay in maanta oo ku beegan Taariikh 17 ilaa 19 uu socon doono barnaamijka isdiiwaan galinta.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ayaa sidoo kale sheegay in maanta Musharaxiinta laga sugaayo xarunta si ay isku diiwaan galiyaan, waxa uuna cadeeyay in 21-ka Bishan bishaan ay khudbado jeedin doonaan Musharaxiinta, halka 22 ay dhici doonto Doorashada.

Geesta kale, waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga Xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaana eeryada Xarunta laga celinayaa dadka iyo gaadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News