28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muxuu Michael Keating ka yiri qorshaha caalamka ee Somalia 2017?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating, ayaa bidhaamiyay qorshooyinka ay Beesha Caalamka ka leedahay Doorashada Somalia.

Danjire Michael Keating oo kulanka u dhexeeyay Guddoonka Sare BFS kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay Somalia la dooneyso maqaam Siyaasadeed aad u sareeya.

Michael Keating, waxa uu sheegay in farqi aad u weyn uu u dhexeeyo marxalada ay iminka ku jirto Somalia iyo tii hore, waxa uuna aad u bogaadiyay isbedelada dhanka Siyaasada ee laga dareemaayo Somalia.

Keating, waxa uu cod dheer ku sheegay in Beesha Caalamka ay usoo jeedo sida lagu muujin lahaa Isbedelka Somalia, waxa uuna farta ku goday inay ka go’an tahay in Somalia laga saaro mugdiga.

”Waa su’aal adag oo nagu soo laalaabatay waxa aan ka damacsanahay Somalia, wey iska muuqataa ujeedka aan u joogno Somalia waa isbedel dhan waliba khuseeya oo ay Somalia ku talaabto”

Danjire Michael Keating, waxa uu soo hadalqaaday Doorashooyinka wali ka socda Somalia waxa uuna sheegay in Xildhibaanada cusub ay isbedel hordhac ah ka muujiyeen doorashooyinka Guddoonka Sare ee hadda dhacay, waxa uuna carab dhabay in Horumarka Somalia ay tahay mid ku jirta dhalinyarada ka tirsan Baarlamaanka cusub ee isbedel doonka ah.

Keating, waxa uu tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in Xildhibaanada cusub ay doortaan Madaxweyne Cusub, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha imaan doona looga baahan yahay inuu ka duwanaado kuwii hore.

”Xildhibaanada waxaan uga fadhinaa inay la imaadan Madaxweyne cusub oo dalka kusoo dabaalikara isbedel, ma dooneyno mid kasii liita kuwii hore”

Madaxweynaha imaan doonaa waa in laga tashto oo aan lagu degdegin waayo waxaa dhibaato noqon doonta haddii ay Xildhibaanadu doortaan mid aan lahryn Siyaasad wax lagu hogaaminkaro.

Si kastaba ha ahaatee, Danjire Michael Keating, ayaa ka digay in lagu fududaado wax waliba oo hoos u dhigikara Siyaasada, Horumarka iyo Amniga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News