28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawirro: NISA oo soo bandhigtay dollar-ka faalsada iyo qalabkii lagu sameynayey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay magaalada Muqdisho Lix qof oo ka shaqeynayay inay soo saaraan lacag Dollar ah oo Been abuur ah.

NISA ayaa sidoo kale saxaafada u soo bandhigtay Qalabkii lagu sameynayay lacagtaan iyo waliba lacagtii ay sameeyeen shaqsiyaadkaan ciidanka ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.

War qoraal oo ay soo saartay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Hal Askari uu ku geeriyooday Askari kalana uu ku dhaawacmay intii uu socday howlgalkaan lagu soo qabanayay kooxahaan burcada ah ee ka shaqeeya sameynta lacagaha been abuurka ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale warkeeda ku sheegtay inay haatan socdaan baaritaano lagu haayo shaqsiyaadka la soo qabtay iyo dad kale oo wali lagu raadjoogo.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad u xoojiyay howlgalada lagu adkaynayo ammaanka sidoo kalana looga hortagayo kooxaha u taagan inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa jira warar gaar ah oo ay Caasimada Online heshay oo sheegaya in laga yaabo in kooxda howshan wadday ay xiriir la leeyihiin oo ay maal-geliyeen qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha.

Lacagta ayaa la sheegayaa in la doonayey in la siiyo xildhibaanada baarlamanka ee codkooda iibsanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News