25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Cadaado: Dagaal ka dhex qarxay ciidamada NISA iyo ilaalada xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Dagaal dhowr saac qaatay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada NISA ay weerar ku qaaden Hooy ay ku shirayeen qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug.

Ciidamada NISA ayaa la sheegay inay fooda is dareen Ciidamo ka tirsan Booliska oo ilaalo u ahaa Xildhibaanada lagu weeraray hooyga uu shirka ka socday.

Warar kaa ka duwan oo laga soo xigtay Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiliga ay weerarka qaadayeen Ciidamada NISA ay Xildhibaanada ka maqnaayen hooygaasi.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Ilaa Laba ruux, halka dhaawac uu kasoo gaaray Seddex kale oo shibil ah.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa Xildhibaanada Galmudug iyo Hogaamiyaha maamulka oo dhawaan laga qaaday xilka kadib markii ay kulmeen 54 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa baadigoob ugu jira Hool ay ku qabtaan Doorashada Madaxweynaha cusub ee uu maamulka Galmudug yeelan doono iyadoo uu arrinkaasi kasoo horjeedo Hogaamiyaha maamulka.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka Galmudug ayaa Ciidamada maamulka ku amray inay xiraan Hoteel waliba oo ay ku kulmaan Xildhibaanada waana tan keentay in Ciidamada maamulka iyo Ilaalada Xildhibaanada ay isku dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News