28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawirro: Murashaxiin Nairobi ku yeeshay kulan iyo isbaheysi cusub oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimadda Online)- Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sh. Axmed oo ka mid ah murashaxiinta xilka Madaxweyne ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ah murashaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimaha doorashada ee la filaayo in dhamaadka bishaan la qabto.

Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Sheekh Shariif oo kullankooda ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxay si qoto dheer ugu hadleen in mowqif mideysan laga qaato hannaanka doorashada xilka Madaxweyne iyo sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho xalaal ah.

Wararka laga helayo kulankaasi ayaa sidoo kale sheegaya in labada murashax ay isla soo qaadeen in lagama maarmaan ay tahay in dalku ka dhaco isbadal hoggaan karti leh oo daacad ah oo bulshada u horseeda xasilooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, iyo mid bulsho intaba.
Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa horay ula kulmay Cumar C/rashiid oo isna ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xilkaaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News