28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Puntland oo cunaqabaten kusoo rogtay deegaano dhowr ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xanibaad kusoo rogay gaadiidka waaweyn ee raashiinka u qaada Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Maamulka Puntland ayaa gaadiidkaasi u xanibay sababo la xiriira in loo gudbiyo Kooxaha Argagixisada Somalia ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Galgala iyo Calmadow.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in go’aankaasi ay ku xaqiijineyso xogaha la xiriira in gaadiidka sida Raashiinkaasi ay adeegsadaan Kooxaha xagjiriinta ee dagaalka kula jira maamulka Puntland.

Maamulka oo ka gaashaamanaaya qorshooyinka ay Kooxahaasi ku raranayaan raashiinka ayaa Ciidamo farabadan dhoobay waddooyinka ay isticmaalan gaadiidkaasi.

Mursal Maxamuud Cabdi oo katirsan waxgaradka Calmadow ayaa sheegay in deegaankaasi laga mamnuucay dhammaan gaadiidka sida raashiinka ee soo gala.

Mursal waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababi doonto Abaaro saameeya deegaanka Calmadow, waxa uuna maamulka ugu baaqay inay ka fiirsadaan go’aanka lagu hakiyay gaadiidkaasi.

Maamulka Puntland wali kama uusan hadlin go’aanka lagu hakiyay dhammaan gaadiidka raashiinka u rara deegaanka Calmadow iyo Galgala.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News