Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno agagaarka hotel DAYAX ayaa sheegaya in qarax labaad uu ka dhacay goobta.
Qaraxa labaad ayaa ahaa gaari NOHA ah oo la aamisan yahay inay ka dageen dableyda hubeysan ee weerarka ku qaaday dhismaha hotelka.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa labaad loo malaynayo NOHA ay ka dageen dableyda weerarka ku qaaday dhismaha Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in shan ruux ay gudaha u galeen dhismaha Hotelka.
Qaar kamid ah wariyaasha magaalada Muqdisho ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen qaraxa labaad ee ka dhacay hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.
Waxyeelada ugu daran ayaa waxay soo gaartay dadka shacabka ah ee ku sugan agagaarka hotelka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

